Ciidamada xoogga dalka ayaa  gelinkii hore ee maanta waxa ay  weerar qorsheysan kula wareegeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Walnlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoosesida  uu u Xaqiijiyay Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cumar Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay.

Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo qaar ka mid ah dagaalyahanaada Al shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay firxadeen  ka dib khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay, waxaana ciidamada dowladda  si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaankaasi oo sheegay in dhibaato ay ku hayeen dagaalamayaasha  Al shabaab, isagoo dhanka kale sheegay in howlgalka uu socdo suurta galna ay tahay in  xubno shabab ah gacanta lagu dhigo.

Taliyaha ayaa amaanay doorka shacabka ay ku leeyihiin Howlgalada Al shabaab lagu ciribtirayo, isagoo xusay inay u soo gudbinayaan xogta shabaab  oo meel kasta oo lagu weeraro ka cararaya laakiin xogta shacabka ayaa sahleysa in goobaha ay u cararaan lagu burburiyo.

Waxaana Taliyaha uu balanqaaday inta shaqsiyaad  Al shabaab ah Soomaaliya ku sugan-yihiin in  uusan joogsan doonin Dagaalka Cirka iyo Dhulka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka iska kaashanayaan.