Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ku guuleestay in uu dib loogu soo celiyo caruurtii uu dhalay  dhul uu lahaa allaha u Naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka oo  Banaadir in muddo ah laga hastay.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah an laha heysan Karin Hantidiisa, Wuxuuna Balan ku qaaday Gudoomiyaha in an loo Dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si aan sharci aheyn ku heesto lagana qaadi doono.

Fulinta howshan ayaa goob joog  waxaa u ahaa Maamulka Degmada Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay allaha unaxariistee Maxaweyne Abdulahi Yusuf, iyo Bulshada Degmada kuwaas oo si wanaagasan u soo wada dhaweeyay talaabadani dib loogu soo celiyay dhulka oo dhowr mar gobalka Banaadir uu ku guuleestay.