Waxaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho wejigii labaad ee shirkii arrimaha Soomaaliya oo kol hore ka dhacay Magaalada Landon ee xarunta Dalka Britain.

Shirka oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlad goboleedyad iyo Beesha caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in shirkani diiradda lagu saari doono arrimaha Ammaanka iyo waxyaabihii u qabsoomey dowladda Soomaaliya.

“Wejigii labaad ee shirkii London ayaa muqdisho ka furmaya,waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,shirk waxaa uu ku saabsan yahay soo bandhigista waxyaabihii dowladda Soomaaliy uga qabsoomay qodobadii ka soo baxay shirkii london,waa shir islaxisaabtan ah,waxaana ka qeybgalaya Madaxda Soomaliya iyo beesha Caalamka,” ayuu yiri Eng Yariisow.

Bishii May isla sanadkan 2017 ayay ahayd markii magaalada London uu ka dhacay wejigii koowaad ee shirkaasi,oo laga soo saaray qodobo muhiim ah oo quseeyay arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigaysa shirkani waxyaabihii uga qabsoomey shirkiii London.

Waxaana maanta xeran inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay.