Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay in waxyaabaha shirka Golaha Amniga Qaranka ee ka qabsoomay Muqdisho Qodobada looga hadlay in ay ka mid ahaayeen dhisitaanka iyo Xoojinta Ciidamada Badda Soomaaliya si loo soo celiyo sharaftii iyo heybadii ay lahaayeen Ciidamada Badda Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga ayaa sheegay in Guddi gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Gaashaandhiga loo saaray dhismaha Ciidamada Badda Soomaaliya,kuwaasi oo qiimeyn ku soo sameeya qaabka ugu fududud ee Qorshahan uu ku fuli karo.

” Waxaa Muqdisho ka qabsoomay shirka Golaha Amniga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo qiimeyn ku soo sameeyay xoogga dalka Soomaaliyeed,sidaasi oo kale Guddiga wuxuu soo jeediyay in qiimeyn taasi la mid ah lagu sameeyo Ciidamada Dowlad Goboleedyada iyo in la dhiso ciidamada Badda Soomaaliya”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” waxaa dhisitaanka ciidamadda badda  loo saaray Guddi gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Gaashaandhiga,waxaana halkaan uga mahad celinayaa Ciidamada Qalabka sida iyagoo daruufo adag ku shaqeynaya hadana u halgamaya Wadankooda,” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga xilli uu warbaahinta u faah faahinayay shirka Golaha Amniga ee ka qabsoomay Muqdisho.

Shirka oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa ka qayb galay xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.