Dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya,  ayaa maanta Heshiis taariikhi ah la gashay Dowladda Mareykanka mudo 30 sano ah kadib.

Heshiiskaan oo ku kacaya ku dhawaad $300 oo milyan oo Dollar,  ayaa waxa dowladda federalka soomaaliya ugu faa’ideesandoontaan in ay wax ugu qabato arimaha Caafimaadka, Waxbarasha iyo hormarinta dhaqaalaha Dalka.

Hishiiskaan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa Todobaadkii hore hishiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhismaha wadooyinka ka baxa Magaaladda Muqdisho lagalay Dowladda Qatar, taasi oo ku baxaysa lacag dhan $200 oo Milyan oo dollar.