Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa uga digay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu magaalada barakeysan ee Qudus u aqoonsado Caasimadda Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqi doona in Qudus ay tahay Caasimadda Israel, sida ay sheegayaan Saraakiisha maamulkiisa.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Madaxda Carabta ayaa sheegay in tallaabadan ay keeni doono cawaaqib xumo, isla markaana dalalka Muslimiinta ay si adag uga fal celin doonaan hadii uu Trump u aqoonsado Qudus Caasimadda Israel.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa u sheegay in Madaxweyne Trump tallaabadan noocaan ah oo la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed in ay ka dhalan karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Magaalada Istanbul ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu qabto kulan ay yeelan doonaan Madaxda Dalalka Islaamka, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo isna si adag uga fal celiyay qorshaha Mareykanka ku doonayo in Qudus u aqoonsado Caasimadda Israel, tilmaamayna in xeriirka uu u jari doono Washington hadii go’ankan ay fuliso.