Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa xalay Allaha u naxariistee kooxo hubeysan ay ku dileen Nabadoon si weyn looga yaqiinay dagmada isla markaana horay u ahaa Gudoomiyihii dhul bixinta Degmadaas xiligii Dowladdii Dhexe ee Soomaliya.

Waxaa Nabadoonka la dilay  lagu magacabi jirey Saydinaa Xaajiyow,waxaana dilkiisa fuliyay dabley  bastoolado ku hubeysnaa  sida uu warbaahinta u xaqiijiyay gudoomiyaha dagmada Baraawe.

Nabadoonka oo howlgab ahaa ayaa  la dilay xili uu ka soo baxay masaajid ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose,xiligii Salaadda Cisho kadib.

Ciidamada dowlada oo halkaasi baaaritaano ka sameeyay ayaa wali ku raad jooga cidii falkaasi geesatay kuwaa oo katirsan dagaalyahada al shabaab sida mas’uuliyiinta dagmada warbaahinta u xaqiijiyeen.