Ciidamadda xoogga dalka ayaa hawlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe waxay ku sifeeyeen Jidgooyooyin ay dhigteen kooxo hubeysan.

Deegaanada ay ciidamada hawgalada ka sameeyeen waxaa ka mid ah Cadale, Warshiiq, Raagaceele, iyo deegaano kale, waxayna dadka shacabka sheegeen in Kooxo hubeysan ay ku dhibaaateeyn jireen dadka safarka ee gawaarida saaran.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray deegaanada ciidamada ka qaadeen Jidgooyooyinka wuxuuna sheegay meelaha laga ceyriyay kooxaha hubeysan ee dadka dhibaateyn jiray in la keeni doono ciidamo amaanka sugaya si ay dadka deegaanka iyo kuwa safarka ay nabad galyo ugu noolaadaan.

Ciidamada xoogga dalka ayaa si dhaqso ah kaga jawaabay cabasho maalmahanba kasoo yeereysay shacabka ku safra deegaanadaas oo dhibaato badan ku qabay kooxaha hubeysan oo dadka baaran jiray.