Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka mareykanka  ayaa duqeyn ka geystey tuulo dhinaca Koofureed ka xigta magaalada Muqdisho waxaana duqeyntan lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Cali Nuur  oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in duqeyntan lala beegsaday gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, balse aan la ogeyn qasaaraha loo geestay shabab-ka.

Mudooyinkii u dambeeyay diyaaradaha mareykanka aya kor u qaaday duqeymaha ay la beegsanayaa goobaha ay ku sugan yihiin ururka al shabaab si loo soo afjaro, iyadoona sidoo kale ay wiiqantay awoodii ay lahaayeen tan iyo markii duqeyntu si isdaba joog ah ugu bilaabatay.

Waa duqeyntii 29-aad ee laga fuliyo gudaha Soomaliya, iyadoo Dowladda Mareykanka ay inta badan war kasoo saarto duqeymaha lagu qaado saldhigyadda dagaalyahanadda Daacish iyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka.