Hishammuddin Hussein oo ah Wasiirka Difaaca Malaysia,  ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda rasmiga ee Israel in  ay tahay dharbaaxo Wejiga kaga dhacday Maslimiinta Aduunka oo dhan,isagoo tilmaamay in Militariga dalkaasi  uu diyaar u yahay in uu guto waajibaadkooda ka saraaran arinta Qudus.

”  Ciidamada Hubeysan ee Malaysia (ATM),had iyo jeer waa diyaar,keliya waxay sugayaan amar kaga yimaada Hogaanka sare”,sidaasi waxaa Wakaaladda Wararka Malaysia ee Bernama u sheegay Hishammuddin Hussein oo ah Wasiirka Difaaca dalkaasi.

Waxaana hadalkiisa intaasi uu ku daray Wasiir Hussein” Aan u barino in Khilaafka uusan horseedin Fowdo”,

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya kadib markii dadka reer Malaysia dibad baxayo balaaran ay ka hordhigeen  safaaradda mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Caasimadda Ah Ee Kuala Lumpur.

Taliyaha Ciidamada qaranka Malaysia General Tan Sri Raja Mohamed Affandi Raja Mohamed Noor Iyo Ciidamada Hubeesan Ee Malaysia (MAF) ayaa waxa uu sheegay in gabi ahaanba ay diyaar u yihiin duulaan lagu difaacayo magaalada Barakeesan Ee Qudus.

” Mudane Madaxweyne tani waa mid sharci darro ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Yahuudda” sidaasi ayuu cod dheer ku dhahay isaga oo ku sugan banaanka safaaradda Mareykanka Ee Kula- lampur Khairy Jamaluddin oo ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Malaysia.

Ra’isul wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa dunida muslimiinta si adag kaga codsaday maalinimadii khamiista in ay ka  soo horjeestaan aqoonsiga Trump Ee Qudus.

Maanta oo Axad ah ayaa ku dhawaad 10,000  dad Induniisiyaan ah ku hor banaanbaxay banaanka hore ee safaarada Mareynkanka uu ku leeyahay caasimadda Jakarta,iyagoo taageero u muujinayo shacabka Falastiiniyiinta, sidan oo kale dalal badan oo muslimiin ah ayaa dhigay dibad baxayo looga soo horjeedo qorshaha mareykanka ee Falastiin.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim