Allaha U Naxariistee waxaa salaadii maqrib kadib magaalada Muqdisho lagu dilay Wariyaheena Maxamed  Ibrahim Gaaboow Oo Katirsanaa Shaqaalaha Kalsantv Xaruntiisa Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa dhintay kadib markii uu la qarxay  qarax qeybta dambe ee Kursiga Darawalka Gaarigiisa  loogu xeray  isaga oo maraya suuqa Kalluunka Dagmada Wadajir xilii uu ku wajahnaa hoygiisa oo ku yaalada isla dagmada Wadajir ee Gobalka Banaadir

Allaha U Naxariistee Maxamed Ibrahim Gaaboow oo dhaawac halis ah uu ka  soo gaaray qaraxa gaaarigiisa loogu xiray ayaa ku geeriyooday mid kamid ah xarumaha caafimaad ee magaalada muqdisho.

Maamulka Televison-ka Kalsan ayaa ka tacsiyeey geerida Marxuum Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow (Inaa Lilahi Wa inaa Ilaahi Raajicuun).

Wixii Faaf-faahin waan idiinlla socod siin doonaa Insha’allah.