Allaha U Naxariistee waxaa Maanta qabuuraha Barakaat ee magaalada Muqdisho lagu aasay Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo ka tirsanaa shaqaalaheena kalsantv xaruntiisa magaalada Muqdisho.

Aaska marxuumka waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin katirsan dowlada federalka soomaaliya, hogaanka ururka suxufyinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ oo uu ugu horeeyo Maxamed Ibraahim Macalimoow iyo maamulka  kalsantv xaruntiisa muqdisho ,Wariyayaal, Ehalka Marxuum gaboow iyo arday  kamid  aheyd jaamacadaha magaalada muqdisho oo uu macaln u ahaa.

Ugu Horeyn waxaa goobta ka hadlay Maxamed Ibrahim Macalimoow oo ah xoghaya ururka saxafiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ waxaana  uu tacsi u diray dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu kabaxay marxuum Wariye Maxamed Ibrahim Gaaboow oo kamid ahaa shaqaalaha kalsantv wuxuuna dhamaan hay’adaha ku shqadada leh amniga dowladda uu ugu baaqay iney gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaaashii ka dambeeyay geerida Marxuumka .

Waxa uu sidoo kale intaa ku daray sababta loo beegsado wariyaayasha in ay tahay shaqada adag ay u hayaan bulsada soomaaliyeed waxaana uu macalimoow tilmaamay in uu ahaa Wariye Gaaboow nin dhalin yaro ah oo aad u firfircoon oo bulshada u soobaxaya.

Dhanaca kale waxaa aaska ka hadlay Afayeenka Gobalka Banaadir Mudane Cabdifitaax Cumar Xalane isla maraakana ka tacsiyeeyey dilka loo geestay Wariye Maxamed Ibraahim gaaboow waxaana uu sheegay in dowladda ay baaaritaan ku sameyn doonto cidii  dilkiisa ka dambeesay  si cadaalada loo horkeeno.

Afayeenka ayaa waxa uu wariyaasha magaalada Muqdisho ugu baaqay in aysan howlahooda u joojin dhibaatooyinka ku soo wajaha inta ay shaqada ku guda jiraan isagoo xusay in muhiim ay tahay in ay dowlada kala shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa qatarta al shabaab oo uu tilmamay in ay ka dambeeyaan dilalka ka dhaca magaalada muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Asiga oo ku hadlaya afka mamulka goblka Banaadir waxaa ugu Dambeeyntii afayeenka uu ugu  tacsiyeeyay shacabka soomaaliyeed, ehelka marxuumka, maamulka television-ka kalsan iyo asxaabtii uu kabaxay allaha u naxariistee wariye Maxamed Ibrahim gaaboow.( Inaa Lilahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun).

Agaasimaha xarunta kalsantv ee Muqdisho  Axmed cabdullhahi Maxamed Goobe  oo ka hadlay halka lagu aasayay marxuumka ayaa tilmaamay in Maxmed Ibraahim gaaboow uu ahaa shaqsi karti badan aadna u dadaal badnaa islamarkaaana shaqadiisa ku firfircoonaa waxa uu sheegay in sidoo kale uu macalin ka aha mid kamid ah jaamacadaha ku yaala magaalada muqdisho.