Howlgalka Qaramada Midoobay Soomaaliya Ee UNSOM oo ka hadlay dilkii xalay  Magaalada Muqdisho loogu geestay Wariye Maxmed Ibraahim Gaaboow oo ka tirsanaa shaqaalaheena kalsantv ee magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyay weerarka lagu dilay wariye Gaaboow oo ay ku tilmaameen mid bahalnimo ah.

Qaramada midoobe ayaa sheegtay in ay aad kaga walaacsantahay dilkii lagula kacay Allaha U Naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo gaarigiisa loogu xiray walxaha qarxa iyadoona la qarxiyay xili uu ku wajahnaa howgiisa oo ku yaala Dagmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

U Qaabilsanaha Qaramada midoobay arimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga in cadaalada la horkeeno shaqsiyaadkii ka dambeeyay qaraxa lagu dilay allaha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Michael Keating ayaa sheegay in qaramada midoobay ay ka xuntahay dilalka loo geesto Wariyayaasha soomaaliyeed isagoo dalbaday in la soo afjaro tacadiyada ka dhanka ah Wariyaasha.

Dhanka kale hogaanka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee Nusoj ayaa ehalada iyo asxaabta ugu tacsiyeeay geerida dilka Allaha U Naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow.

Xoghaya ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimoow ayaa sidoo kale dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dilka wariyaha sababta ka dambeesay iyo cidda dishay si cadaalada loo horkeeno.