Dowlada Kenya ayaa ka jawabtay warbixin ay soo saartay qaramada midoobay oo lagu sheegay in ciidamada Kenya ay mas’uul ka ahaayeen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay u geesteen 40 qof oo shicib soomaaliyeed ah 22 bilood ee la soo dhaafay.

Waxaa warbixinta ay horay u soo saartay qaramada midobe lagu sheegay in diyaaradaha ciidamada difaaca dowlada Kenya ay dileen 36 qofood halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

Howlgalka qaramada midoobay ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM iyo xafiiska qaramada midoobe ee arimaha bni’aadanimada ee OCHA ayaa dowlada Kenya ciidamadeeda ka tirsan howlgalka midowga Africa somaaliya ee AMISOM waxa ay ku eedeeyeen in dadkaasi shacabka ah ay u geesteen qasaare dhimasaho iyo mid dhaawac.

“War bixinta qaramada midoobe ee Kenya ciidamada ka howlgala soomaaliya ku saabsan waa mid qalad ah aad ayaana uga xunahay, sidaas darteed waa in la tirtiraa qeybteena” waxaa sidaasi wargeysaka daily nation ee ka soobaxa dalka Kenya u sheegay safiirka Kenya ee soomaaliya u fadhiya Lucas Tumbo.

Waxaa safiirka uu sidoo kale sheegay in Kenya aysan helin wax cabasho ah oo katimid dadka shacabka ah  ee ku dhintay howlgalkooda intii u dhaxeesay mudada ay qaramada midobe xustay.

Waxaana uu sheegay in dowlada Kenya ay qaadi doonto talaab kasta oo muhiim u ah ilaalinta shacabka soomaaliyeed inta ay ku guda jiraan howlgalkooda, laakiin dowlada Kenya ayaa la ogyahay in duqeymo ay ka fulisay gobalada  jubooyinka iyo Gedo in dad shacab ah ay ku dhinteen oo qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ahba sababay iyagoo sidoo kale si barer ah u toogtay geel ay lahaayeen dad reer mii ah oo deegaanadan gobalada ay ka howlgalaan.

Maalintii xuska arimaha bini’aadanimada qaramada midoobe ayaa sheegtay in dalka soomaaliya ay qasaaro kala duwan ay soo gaareen shacab soomaaliyeed ee tiradoodu ay gaareyso 4,585 qof iaydoo siyaabo kala duwan dalka loogu dilay dad dhan 2078.- 2016-2017 gaar ahaan 20-kii bilood ee la soo dhaafay oo 60% al shabaab lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen. sida qaramada midoobay ay sheegtay.

W/D: Abdiaziz Hassan Ibrahim