Madaxweynaha dhawaan  la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa  lafilayaa in maanta lagu caleema saaro magaalada Hargeysa,iyadoo qaban qaabo ku aadan munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ay haatan ka socoto aqalka madaxtooyada.

Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay xaflada,Madaxweynaha xilka ka  degaya Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in uu maanta xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa dhawaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliland,kadib markii uu ka guuleystay musharixiintii kula tartamaysa xilka madaxweynenimo,taasi oo dhawaan ka dhacday maamulka Somaliland.