Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxtinimada ee Maamulkaasi 5-ta sano ee soo socota, isagoo si raxmi ah xilka ugala wareegay Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay kawad tirsan yihiin xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Madaxtooyada Hargeysa Munaasabad ka dhacday  ayaa waxaa ka qeyb galay marti sharaf kala duwan oo ka kala socday dowladda Jabuuti, wafdi ka socday dowladda Federaalka Itoobiya, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, IGAD, xubno ka socday Safiirka Midowga Yurub iyo Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya, marti sharaf kale oo ka yimid dalka dibaddiisa ayaa munaasabada xil wareejinta ka qeyb galay maanta.

Dad gaadhaya 1500 qof ayaa xafladda lagu martiqaaday oo reer Somaliland u badan uuna ka mid yahay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Jidadka soo gala madaxtooyada oo xafladu ka dhaceyso ayaa la xiray iyadoo ciidammada ammaanku aad u xoojiyeen nabadgelyada.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo kuxigeenkiisa C/raxmaan Saylici ayaa loo dhaariyay xilka, waxaana si rasmi ah iyagoo xilka kala wareegay Axmed maxamed  Siilaanyo Madaxweynihii hore ee Somaliland .

Madaxweynihii hore Dahir Rayaale Kaahin ayaa dardaaran u jeediyay Madaxweynaha cusub ee Somaliland, isagoo ugu baaqay in aanay jirin cid shaatigiisa gishata oo ay wakiil ka noqoto.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay ayaa balan-qaaday inuu ka shaqeynayo sinnaanta iyo Cadaaladda, isla markaana uu xoogga saarayo wax soo saarka, waxaana sidoo kale munaasabadan xil wareejinta ka hadlay qaar kamid ah mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay.