Saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen dagmada Buula Barde ee gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Wardiinle ayaa la soo warinayaa in duqeymo lala beegsaday  iyadoo la tilmaamay in saldhigga uu burburay.

Duqeynta ay dhacday habeenkii xalay ahaa sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka waxaana ay tilmaameen ka hor duqeynta in dhowr jeer diyaaruduhu ay dul heyhaabeen halka duqeyntu ay la beegsadeen.

Duqeynta ayaa la rumeesan yahay in ay fuliyeen diyaaradaha Drones-ka ee dowlada mareykanka iyadoo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Deegaano ka tirsan gobalada dhexe ayaa la tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ay gaareen dagaalyahano ka tirsan al shabaab iyagoo ka firxanaya duqeymaha ka dhacaya koofurta soomaaliya.

Xeel dheerayaal dhanka amniga ayaa warbaahinta u sheegay in Al shabaab ay ku burburayaan duqeymaha diyaaaradaha ay la beegsanaayan sida kooxda daacish ee ka dagaalami jirtay wadamada Syria iyo Ciraaq looga adkaaday oo kale, balse duqeymaha Mareykanka mararka qaar waxaa waxyelo ay ka soo gaartaa dadka shicibka ah ee ku sugan deegaanada ay duqeeyaan diyaarahada.