Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-shabaab  Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland , Oo xarun KMG u ah Maamulkaasi.

Waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish iyo xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana garoonka diyaaradaha lagaga galbiyay gawaarida aan xabadaha karin, iyadoo ammaankiisa si aad loo ilaalinayay.

Ujeedka Socdaalka Roobow ee Kismaayo ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro wadatashi uu la qaadanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ay xilli ka wada tirsanaan jireen AlShabaab, laguna tilmaamo inay ka mid ahaayeen xubnihii aas aasay Al-Shabaab.

Waa safarkii labaad ee rooboow uu galo tan iyo markii uu isku soo dhiibay dowladda federalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in qorshihiisu yahay dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al shabaab.

Roobow ayaa dhowaanahan ku sugnaa degaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dagaalka al shabaab sidii loo xoojin lahaa uu kala hadlay iyadoo ay isa soo dhiibeen dagaalyahano ka tirsan al shabaab intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo, Lama oga u jeedka rasmiga ah ee Rooboow waxa uu yahay.