Xoghayaha  difaaca Mareykanka Jim Mattis oo Wariyaasha kula hadlay xarunta difaaca Mareylanka ee Pentegon-ka ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay la xisaabtanka ciidamada dowlada soomaaliya ee ku aadan  caawinaada Marykanka uu sii yo ciidamada Militry-ga soomaaliyeed waxaana uu tilmaamay in loo joojiyay arimo quseeyo Musuq-maasuq.

“Waan hubaa in arintan ay ku socoto baaritaan xitaa hadii aysan aheyn gabi ahaan , laakiin waa qeybo kamid ah arimaha la xiriira musuqa” Mattis ayaa sidan sheegay isagoo ku sugan Xarunta Pentegon-ka.

Hakinta sahayda ciidamada Militry-ga soomaaliyeed ayaa la xariirta la xisaabtan la’aan ku saabsan gargaarka Cunno, shidaal iyo hub ee la siiyo ciidamada dowlada.

Waaxda difaaca ay sheegtay in Hakinta sahayda mareykanka ay tahay  mid lagu hubinayo in si saxan loo isticmaalo iyo in kale gaargaarka soo gaaro ciidamada dowladda.

Saraakiisha difaaca xukuumada Washington iyo Dowlada federalka soomaaliya ayaa isku  raacay in ay wada kulmaan si arimahan musuqmaasuqa ah ee ku aadan sahaydii ay heli jireen ciidamada Militry-ga looga wada hadlo.

Waxaana  Jim Mattis uu sheegay in waqti ay qaadaneeso la dagaalaka  dhaqanka musuq-maasuqa si dowlada soomaaliya caawinaadeedii  loo sii wado.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya, oo in muddo ah waday isla xisaabtanka hay’adaha Dowladda si loola dagaallamo musuqmaasuqa, ayaa bilowday daraasad lagu hubinaayo tirada ciidamada iyo bixinta mushaaraadka si ciidanka loogu dhiirrigeliyo dagaalka lagula jiro xarakada al shabaab..

Daraasadda  lagu qiimeynayo awooda ciidanka  ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka waxa ay isla garteen in muddo kooban la hakiyo taageerada cutubyo ka tirsan ciidanka XDS si dib u qaabayn loogu sameeyo gargaarka amniga.

Hakinta waxa ay salka ku haysaa keddib markii ay Dowladda Mareykanka soo dirtay guddi baaris ku sameeya meelaha lagu bixiyo kaalmada Mareykanku siiyo Ciidamada bishii May ee sanadkan si dib u habeyn loogu sameeyo hannaanka loo caawiyo ciidamada iyo in la xaqiijiyo in kaalmada loogu talagalay ciidamadeenna ay gaaraan meelaha loo qoondeeyay.

Guddigaas waxa ay daba socdeen in ay xaqiijiyaan sidii loo isticmaalay kaalmadii ay Mareykanu bixiyeen dhawrkii sano ee u dambeysay.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim