Maraykanka ayaa sheegay in uusan dooneyn  dagaal uu la galo Kuuryidda Waqooyi, waxana uu muujiyay rabitaankiisa ah in taliska Russia uu ka helo taageero gacan siin ah si xukuumadda  Pyongyang looga dhaadhacsiiyo  Joojinta barnaamijyadeeda nuclear-ka iyo gantaalaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa ka sheegay kulan furan oo ka dhacay Golaha Amaanka kaas oo uu kala qayb qaatay wasiiradda arrimaha dibada ee Japan,Britain iyo Sweden waxaana uu sheegay in  Washington aysan  u guclaynaynin dagaal lagalida  Kuuriyadda Waqooyi.

Rex Tillerson ayaa ugu baaqay dalalka dunida inay fuliyaan cunaqabataynta caalamiga ah ee uu kusoo rogay Golaha Amaanka xukuumada Pyongyang sababo la xiriira  dhaqdhaqaaqeeda  nuclear-ka iyada oo aanan laga war wareergin.

Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka ayaa waxa uu cambaareeyay China waxaana uu tilmaamay in Shiinaha  uu siiyo kuuriyada waqooyi baahiyeheeda dhinaca shidaalka iyo dowladda  Russia oo shaqaale kasoo qaadata Pyongyang.

Dhanka kale Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis, ayaa xusay in uusan rumaysnayn in gantaalada Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay ay halis ku yihiin Mareykanka.