C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow)  Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Xabsi ku yaala dalka Ethopia laga sii daayay Wariye Maxamed Aweys Muudey oo loo yaqaano Boqorka Bartamaha.

Wasiir Yariisoow ayaa sheegay in qadka Talephone-ka uu kula hadlay Wariye Maxamed Aweys Muudeey waxaana uu sheegay in maalinta berioole ah uu ku soo wajahn yahay magaalada Muqdisho.

Hadal uu soo dhigay bartiisa Faceboow wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa sidan u qornaa “Waxaan qadka telefoonka kula hadlay Mohamed Aweis Mudey (Boqorka Bartamaha) oo xabsiga laga soo daayey berrina noogu iman doono Mogadishu. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka oo codsigeena tixgeliyey una gudbiyey Madaxda Ethiopia. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa suxufiyiinta marwalba I xasuusin jirtey Boqorka. Waxaana mahad u sugnaatay EEBBE oo noo sahlay arrinkan”

Dhanka kale safaaradda Soomaaliya Ee Addis Aababa ayaa xaqiijisay in Wariye Maxamed Aweys Muudey la sii daayay waxaana ay sheegtay in ay socdaan howlo loogu fududeenayo in dalka uu dib ugu soo laabto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wariye Maxamed Aweys Muudey Boqorka Bartamaha ayaa magaalada Addis Ababa lagu xiray dhamaadkii sanadkii 2013, waxaana xilligaas Maxkamad ay ku xukuntay 27 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu falal argagixiso ku lug yeeshay.

Arintaan ayaa ka dambeysay dadaalo ay sameeyeen madaxda ugu sareysa dalka oo ay ugu horeyso wasaaradda warfaafinta iyo wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya.