Madaxda urur goboleedka ECOWAS ee galbeedka Afrika ayaa maanta shir madaxeedkoodii sannadlaha ahaa Ku yeeshay caasimadda Nageria ee Abuja.

Kulanka ayaa looga hadlay muhaajiriinta qaaradada Africa, Xubinimada dalka Morocco, iyo Maamulka Ururka ECAWAS.

Waxaana Kulanka uu ku soo beegmay ayadoo dalalka galbeedka Afrika ay wajahayaan caqabado ay ka mid yihiinkkacdoonnada ka soconaya Nayjeeriya, Mali iyo Burkina Faso, dhaqdhaqaaqa burcad badeedda ee gacanka Guinea, iyo tahriibayaasha Afrika ka tegeya ee Yurub aadaya.

Arrinta ku saabsan in muhaajiriin badan oo ka soo jeeda galbeedka Afrika lagu gado suuqyada addoonta ee Libya ayaa caro xoog leh abuurtay, waxayna keentay in lagu baaqo talaabooyin lagu joojinayo socdaalka sharci darrada ah ee Yurub loo aado.

Nigeria  waxay billowday inay dib uga soo celiso muwaadiniinteeda ku sugan dalka Libya.

Waxaana kulanka sidoo kale looga hadlay iskaashiga dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee dalaka ku mideesan ECAWAS.