Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo  Muddo sanado ah  ku xirnaa xabsi kuyaala Dalka Itoobiya ayaa  ka soo dagay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan maxaabiis kale oo Soomaaliyeed.

Waxaa  garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,iyo suxufiyiin,kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyay wariye boqorka bartamaha.

Mar uu la hadlaya warbaahinta ayuu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xoriyadiisa dib u helo, maadaama muddo badan uu ku xirnaa dalka Itoobiya,iyadoo sii deyntiisa ay ku timid dadaal ay sameysay Dowladda Soomaaliya, isagoo ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo R/wasaare kheyre dadaalkii ay ku bixiyeen sidii uu ku heli lahaa Xuriyadiisa.

Sanadkii 2013kii ayaa la xiray wariyaha waxaana Afar Sano kaddib xukunkii 27ka Sano ahaa u suuragashay in uu xorriyaddiisa dib u helo.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maanta ay Muqdisho soo gaaraan qeybtii 2-aad maxaabiis ku xirnayd Jaziiradda Seychelles ,kuwaasi oo dhawaan xoriyadooda dib u heley.

Dhawaan waxaa soo gaarey magaalada Muqdisho ilaa 7 kamid ah maxaabiistaasi,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyo kuyaala Dalkaasi Seychelles.