Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) Madaxweynaha Maamulka  Galmudug oo ah madaxweyaha Maamul Goboleedka Galudug  ayaa Sheegay  in Ciidamo milateri ah oo ka kooban 700 askari oo hubeysan inay deggi doonaan duulleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo dhowr mar lugu dagaallamay, taa oo sababtay isku dhacyo ay dhiig ku daateen iyo dad badan oo halkaasi ka barakaca.

Xili uu la hadlay warbaahinta deegaanada maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay hadda wadaan nabadeynta Magaalada Galkacayo ee gobalka Mudug waxaana uu tilmamay in wada hadalan ay yihiin kuwa ka duwan kuwii hore oo rajo wanagsan ay ka qabaan.

“Tani ma fashilmeyso, sababto ah si ficaan ayaa loo qorsheeyay, ciidammo isku dhaf ah la sameeyay , kuwo boolis ahna  waa la sameeyay kuwo maliteri ah waa la sameeyay,Ciddii tallaabo qaldan qaadda madaxa laga garaacaya”,ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Maalinimadii aynu ka soo gudubnay waxaa lagu guuleystay in la qaado Jidgooyooyin yaalay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dad baden ayaa aaminsan in dagaalka markasta ka dhaca magaalada gaalkacayo  sabab u tahay dhibaatada Qabiilka ama qabyaaladdu keento waxaa Waqti badan ku lumay in xal loo helo in dadkaa wada degan magaalada gaalkacayo xal siyaasadeed oo nabad ku dhisan ku midoobaan balse lama fahansana sababta dhabta ah ee soo celcelisa dagaaladda.