U Qaabilsanaha Qaramada Midoobe Arimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobe ayaa ka soo dagay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaa oo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tairsan Xukuumada Federalka Soomaaliya.

Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda UHNCR ayaa muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda C/Qaadir Axmed Kheyr,Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mechel Keating iyo xubno kale.

Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Danjire Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa kamid ah mas’uuliyiinta Filippo Grandi la socday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa uu soo dhaweynta ka sheegay in Mr Filip Grnade maalinta berry ah tagi doono Magaalada Kismaayo ee Jubada  hoose,halkaas oo uu ku booqan doono Barakacayaasha ku jira xeryaha Kismaayo ku yaalla.