Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhalinyarada Soomaaliyeed,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa,madaxda Dowladda,ururada bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kamid ah masuuliyiinta dowladda ee shirkaasi ka qeyb galay, iyadoo ay goob joog  ahaayeen Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhalinyaro qurbaha ka yimid iyo gobolada dalka,kuwaasi oo isku diyaarinayay in ay ka qeybgalaan shirkaan looga hadlayo mustaqbalka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa inta uu socda qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah siyaasada dhalinyarada ee dhawaan ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada,iyadoo talooyin iyo afkaaro ku aadan siyaasadaasi la isku dhaafsan doono

Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlayaa sidii loo mideyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa dowr muhiim ah ku leh horumarka dalka,maadaama dalka 70% boqolkiiba uu yahay Dhalinyaro,waxaana shirkan oo kale dhiirogelinayaa  rajada dhalinyaradu ay ka qabaan in laga talo geliyo arrimaha dalka.