Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Saakay Xiray Wadooyin Muhiim ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay ka wadaan Baaritaano,iyadoo wadooyinkaasi laga mamnuucay Gaadiidka dadweynaha.

Ciidamo farabadan oo gadiidka dagaalka wata ayaa saakay wadooyinka lagu arkayaa.

Waxaa wadooyinka xiran kamid ah Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, isgoyska KM4 illaa Zoobe, Banaadir dhanka wadada aada Tarbuunka, iyo qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama.

Ciidamada Ammaanka ayaa howlgalo wada iyagoo feejignaan dheeri ah la geliyay lamana oga sababta ka dambeesa dhaqdhaqaaqan marka laga reebo in xalay ciidamada nabad suggida weeraraeen hoyga siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur oo xabsiga loo taxaabay.

Meelaha qaar gaadiidka dadweynaha ayaa laga celinayaa iyadoo badi shacabka ay lugeynayaan waxaana gawaarida maanta la baarayo kamid ah kuwa mas’uuliyiinta oo su’aalo dhor ah la warsanayo.