Madaxweynaha Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga saraakiisha ugu sareysa ciidamada xoogga dalka oo uu kala hadlay dagaalka ka dhan ka ah dagaalyahanada al shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay  halka ay wax marayaan  iyadoo  ciidamada xoogga dalka ay fuliyeen weeraro ka dhan ah Al shaab gaar ahaan deegaanada ay ku dhuumaaleesanayaan.

Saraakiisha ciidamada ee uu la kulmay madaxweynhu ayaa sheegay in ay guula ka soo hoyeen jiidda hore  oo ay la wareegeen deegaano markii hore ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixino la xiriira howlgaladii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Al-Shabaab iyo xaaladaha guud ee Ciidamada Qalabka sida.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka wada deegaano iyo degmooyinka ka tirsan dalka,taasi oo suura gelisay in Al-Shabaab ka cararaan goobaha ay ku dhuumaleysanayeen.

Booqashada Madaxweynaha uu ku tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku soo aaday, maalmo kaddib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu joojiyay gargaarkii uu siin jiray Ciidamada, kaddib musuq maasuq la sheegay.

Waxaana xukuumadda federalka Soomaaliya ay sheegtay in ay waddo daraasad lagu hubinayo tirada ciidamada xoogga dalka iyo in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada DFS si looga hortago musuq maasuq la sheegay in lagu sameeyay gargaar Mareykanka uu siin jiray Ciidamada Militriga Soomaaliyeed.