Wasiirka Arimaha Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay go’aankii ay soo sartay wasaaradda Amniga ee ku aadanaa in aan la qaban Karin shir aysan ka warqabin hay’adaha Amaanka iyo Gobalka Banaadir ayaa ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Wasiirka Dastuurka oo bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu arintan kaga hadlayo ayaa gabi ahaanba ka hor yimid amarkii maanta ka soo yeeray wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

“Waxaan hadda daawaday shirkii Jaraa’id ee Wasiirka Amniga Gudaha Mr Islow oo uu ku yiri Cidna shir gaar ah ma qabsan karto, iyadoo aysan fasax ka heysan dowladda, hagaag, taasi waa qalad, Dastuurka ayaa u ogolaanaya Xoriyadda ah in cid walba ay qabsan karto shirar iyo isu imaadyo”ayuu yiri Wasiir Xoosh oo intaa ku daray in qodobka 16aad iyo 20aad ee Dastuurka u ogolaanayo.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah sharci yaqaan waxa uu  dhowr jeer oo hore dood sharciyeed ka keenay hadalada ka soo yeeray Mas’uuliyiinta dowladda xiliga ay baalmaraan qodobada dastuurka dalka uu dhigayo.