Githu Muigai oo ah xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya oo ka hadlay  mowqifka Kenya ay ka taagan tahay muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in meesha ay ka taagneed in ay wali tahay.

Xeer ilaaliyaha  ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal iyadoo laga hortagayo wax walba oo keeni kara kala shaki ku saabsan muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya Iyo Kenya.

“Meesha aan Dacwadda ka taaganahay waxay ku qorantahay Sharciga Badaha ee QM iyo Go’aano kale oo Madaxda Wadamadda Midowga Africa ay qaateen 1964tii” ayuu yiri Githu Muigai oo qoraal xafiiskiisa ka soo baxay lagu qoray Wargeyska Nation.

Bilowga sanadka 2018 ayaa la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague inay soo saarto qaabka looga hadlayo dacwada badda

Muranka Badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid soo socday saddexdii sanno ee u dambeysay, iyadoo horaantii sanadkan ay Maxkamadda Hague ay xukmisay in kiiskan ay maxkamadda qaadi karto, iyadoo diiday dalabka Kenya ee ahaa in muranka wada hadal lagu dhameeyo.

4-tii December 2017 Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya ku wargelisay  in ay ka sugeyso jawaab Xukunka Maxkamadda ee Bishii February Sanadkan 2017ka ay go’aamisay,kaas oo Kenya looga adkaaday wajiga 1aad ee dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dalka Kenya Githu Muigai,ayaa u sheegay Wargeyska Sunday Nation ee ka soo baxa Kenya in jawaabta ay bixinayaan ay noqon doonto saddex qeybood oo kala ah; warbixin la xiriirta xaqiijinta lahaanshaha biyaha ay ku doodayaan,warbixin la xiriirta dhinaca sharciga iyo midda ugu damebysa oo ah in waqtiga loogu talagalay ay ku gudbiyaan.

13kii July 2015kii ayey Soomaaliya u gudbisay dacwadda Badda ee kala dhexeysa Kenya Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ,waxaana wajiga 1aad uu ahaa bal marka hore in kiiskan Maxkamadda gasho iyo in aysan gelin,Kenya waxaa ay ku doodeysay in kiiskan aysan ahayn in ay Maxkamadda gasho labada dalna is faham u gaar ah ku dhameystaan,laakiin Soomaaliya waxaa ay ku adkeysatay in kiiskan Maxkamadda qaaddo.