Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal Blastic ah oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.
Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax. Iyagoo sidoo kale baraha bulshada geliyay qiiq ka baxayo dhanka hawada sare.
Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama.
Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.
Xigasho: BBC