Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo habeen hore ay xabsiga u taxaabeen Ciidamada Ammaanka ayaa galabta la soo taagay Maxkamad gobalka Banaadir.
Siyaasiga oo la geeyay maxkamada Gobalka Banaadir ee degmada Xamar-weyne waxaa wehlinayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale oo ku suganaa xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Waxaana Maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo gaba gabeysay dhageysiga dacwad ay Xeer Ilaalinta Qaranka ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaana lagu eedeeyay siyaasiga dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas.
Sidoo kale Xeer Ilaalinta ayaa dalbatay in muddo 5 maalmood loo siiyo, si ay baaritaanka ku soo dhameystirto, isla markaana ku keento caddeymo.
Hase ahaatee Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa diiday dalabka Xeer ilaalinta, waxaana uu u qabtay muddo 24 saac lagu keeno caddeymo, laguna soo dhameystiro baaritaanka eedamaha loo heysto
Maalinta berri ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur.