Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay dhameystirka wejiga 1-aad ee qiimaynta iyo diyaarinta ciidamada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la qiimeeyay gobalada iyo magaalada Muqdisho ciidamada dowladda ee ka howlgala kuwaa oo la booqday xarumaha ay ku howlgalan.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya sheegay in qiimaynta lagu ogaaday tirada ciidanka diiwaangashan oo uu sheegay inay dhan yihiin 26 kun, cududda ciidanka, hoggaankooda, saanadda iyo tababarrada, mar uu la hadlayay VOA.
Meelaha qaar ayaa waxa uu Tilmaamay in ciidanka tiro ahaan guutooyinka aysan dhameestirneyn isagoo xusay in ciidanka ay yihiin kuwa diyaarsan waxaana uu tilmaamay in ay jiraan ciidan aan hubeysneen oo la qalabeyn doono.
Awoodda Qalab iyo hub ee ciidanka soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in ay garbaduubtay cunaqateenta qaramada Midoobay isagoo ku baaqay in hub iibsiga loo ogolaado dowladda federalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in uu socdo nidaamkii ciidamada xoogga dalka ay ula wareegi lahayeen amaanka dalka iyadoo oo uu socdo qorshahasi.
Waxaana uu xusay in daraasad kale oo labaad la sameyn doono si loo dhameestiro qiimeynta rasmiga ah ee ciidamada dowladda federalka soomaaliya.