Waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ka furmay  Shirka Madasha Aragti wadaagga Soomaalida, kaasi oo looga hadlayo Arrimaha Siyaasadda, Bulshada, Dhaqaalaha iyo wax-yaabo kale,waxaana ka qeybgalaya wafdi uu hoggaaminayo wasiirka qorsheynta dowladda Soomaaliya.

Waxaa soo qaban qaabiyay Shirkan oo ay marti gelisay Dowladda Jabuuti qeybaha bulshada ee geeska Afrika, dadka Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah , Aqoonyahano, iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa isugu imaanaya Shirkan oo ah mid Sanadle ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka oo ay ka mid yihiin dalalka Soomaaliya ,Itoobiya, Kenya iyo dalalka caalamka qaar kood.

Mausuliyiinta Shirkan ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Xassan Maxamed.

Wasiir Jamaal ayaa sheeagay in shirkan uu ku soo bandhigi doono Mowqifka Dowladda, Hiigsiga Fog iyo Midka Dhow, Qorshaha Dowladda iyo Arrimo kale oo muhiim u ah dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay joogaan Siyaasiyiin kala duwan oo ka kala yimid deegaano kala duwan, hadana ma ahan mid Siyaasadeed, waxaana laga sugayaa talooyin fara badan oo la xiriira arrimaha Soomaaliya.

Waxaa lafilayaa in geba gebada shirkaasi laga soo saari doonoo qodobo muhiim ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya.