Waxaa Faah-faahino dheeraad ah laga helayaa dagaal u dhaxeeya  ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Xarakadda Al-shabaab oo xalay ku dhexmaray Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerar abaabulan oo dagaalyahanada Al shabaab ay ku qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan  dagmada ayaa la soo warinayaa in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay 2 kamid ah askarta ciidamada dowladda ayaa weerarka ku dhintay sida sarakiishu sheegeen iyadoona intaasi ay ku dareen in ku dhawaad 10 kamid ah dagaalyahnadii al shabaab ee weerarka soo qaaday lagu dilay weerarka sida saraakiisha u xaqiijiyeen warbaahinta.

Waxaa al shabaab ay gudaha u galeen dagmada iyagoo la wareegay Buundo Yareey oo ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen, sida dad goobjooga yaal ah warbaainta u xaqiijiyeen.

Sidoo kale al  dagaalyanada shabaab ayaa weerar saldhigyo ciidamada midowga Africa ay ku lahaayeen duleedka Afgooye ee gobalka shabeelaha Hoose oo aan sidoo kale laga warqabin qasaaraha ka dhashay.

Mas’uuliyadda weeraradan is xig xigay waxa sheegtay dagaalyahanada Al shabab iyagoo xusay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo fariisimo ku lahaa dagmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose in ay weerareen oo qasaaro ay u geesteen, balse majiraan ilo madaxbanan oo xaqiijinya sheegashadooda.