Maxkamadeyntii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ee lagu waday  in ay galabta dhacdo ayaa maanta dib loo dhigay , kaddib markii Guddoomiyaha Maxkamadda uu mudo 24-saac u qabtay Xeer Ilaalinta maalinimadii  shalay inay ku keento caddeymo eedeymaha lagu soo oogay siyaasiga.

Avv. Tahliil Xaaji oo ah qarenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in lagu wargeliyay maxkamadii galabta loo balansanaa in ay dib u dhacday oo hadane laga dhigay maalinta berri ah, iyadoo aanay cadeyn sababaha rasmiga ah ee arintaasi ka dambeesay.

Maxkamadda gobalka amarkii ka soobaxay maalinimadii shalay aheyd ayaa waxa uu ahaa in muddo 24-saac kaliya la siiyay xeer ilaalinta si ay u soo buuxiso cadeymaha loo heesto siyaasiga waaxaana mudada laqabtay ay ku egtahay maalinta berry 8 –Subaxnimo.

Tan iyo Markii la xiray siyaasiga waxaa magalada muqdisho ka soconayay kulmo siyaasadeesan oo looga hadlayo xariga C.Raxmaan C.Shakuur Warsame, waxaana kamid ah madaxda maamul goboleedyada sida Xaaf iyo Waare.

Warar ayaa sheegay in siyaasiga C/raxmaan C/shakuur uu diiday in la damiinto si xabsiga uu dibad joog ugu noqdo.