Akaadiimiyadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ayaa maanta waxaa lagu dhigay munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 74-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Hoggaanka iyo Saraakiisha Booliska, Taliska Ciidanka Xoogga dalka, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo danjireyaal ka socdey Beesha Caalamka ayaa ka qeyb galay munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska ayaa dhoola tus ka sameey fagaaraha Akaadimayadda Booliska, halkaas oo ay ku soo bandhigeen xirfadooda, qalabkooda iyo qaybaha ay ka koobanyihiin.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Booliska ayaa ubax dhigay taallada Booliska ee ku dhex taalla akaadimayadda, taas oo lagu maamuusay saraakiishii iyo askartii ka geeriyooday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu hambalyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed maalintan qiimaha gaarka ah u leh dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in munaasabad weyn oo Madaxda Qaranku ay kaqeyb galayaan la qaban doono caawa oo Khamiis ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuiryadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin horumarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray kusoo shaqeeyay una dhabar adaygay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasillooni iyo nabadgelyo.