La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka ayaa loo magacaabay  Cabdisaciid Muse Cali  kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Micheal Keating oo ah xoghayaha qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay Magcaabista la taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdisaciid ayaa horay u soo noqday wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, sidoo kale waxa uu la soo shaqeeyay urur goboleedka  IGAD io hay’ado kale oo caalami ah.

Cabdi Saciid ayaa dowladdii TFG-da ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004, waxaa uu ahaa La taliye dhinaca farsamada, waxaa uu sidoo kale uu ahaa isku xiraha hey’ado badan oo caalami ah.

Mr CabdiSaciid ayaa ku dhashay magaalada Jowhar  ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa uu ku hadlaa luqadaha English, Talyaaniga, Jarmalka, iyo Dutch.