Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa maanta saacado ka hor waxa ay ku  ku soo dhaceen  agagaarka Xarunta Madaxtooyada, iyadoo madaafiicda qaar jugtooda laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Sida warbaahinta ay u xaqijiyeen dad goobjoogayal ah oo ku sugnaa xaafadaha ay madaafiicda ku soo dhaceen ee u dhaw maaxtooyadda Villa Somaliya ayaa waxa ay sheeegeen  in saddex madaafiic ah ay ay ku soo dhaceen agagaarka dusgisga 15 May iyo caga dhiig oo u dhaw madaxtooyada Villa Somaliya.

Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda lagu bartilmaameedsanayay xarunta madaxtooyada, waxaase cabsi iyo argagagx ay la soo deristay  dadka xaafadahooda ay ku soo dhaceen madaafiicdaasi.

Dagaalyahahnada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka madaafiic ee lagu qaaday Madaxtooyada, waxaana warbaahinta afkooda ku hadasha ay sheegeen in 8 madfac ku weerareen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan madaafiicda ku soo dhacay xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada.