Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 5 qof oo ka tirsan  dhinacyadii maanta ku dagaalamay  deegaanka Xoorre ee gobalka Sool ayaa ku dhintay dagaal barqadii ka dhex qarxay deegaankaasi.

Dagaalka oo ilaa duhurnimadii maanta soo gaaray ayaa la tilmaamay in salka ku hayo dhul la isku heysto iyo aanooyin qabiil waxaana qiyaas ahaan deegaanka uu dagaalka ka bilowday dhacaa meel u dhaw deegaanka Burtinle ee gobalka Nugaal.

Daaglka ayaa la isu adeegsaday hub culus waxaana labada dhinac la tilmaamay in ay wateen gaadiidka dagaalka.

Dagaalka maanta ka qarxay deegaano ka tirsan gobalka sool ayaa la tilmaamay in ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo gobalka ku barakacsanaa.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maalintii seddexaad u jooga degmada Burtinle sidii loo soo afjari lahaa dagaalka iyadoo ay xusid mudantahay in maalmo ka hor dagaal labada dhinac dhex maray uu galaaftay nolosha ilaa 10 qof.