Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, sayniska iyo Dhaqanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNESCO)  oo cambaareysay dilkii Magaalada Muqdisho loogu geestay Allaha U Naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow ayaa waxa ay  codsatay in baaris lagu sameeyo dilkiisa, sida war ka soobaxay agaasimaha hay’adda Audrey Azoulay lagu sheegay.

“Waan cambareynayaa dilka wariye Maxamed Ibrahim Gaaboow, waxaana ka codsanayaa dowladda soomaaliya in ay dadaal ku bixiso soo qabashada cidii ka dambeesay dilka wariyaha, weerarkan waa mid ka dhan ah xuriyatul Qowlka iyo xuriyada warbaahineed” sidan ayaa lagu sheegay warka ay ka soobaxay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO.

Allaha U Naxariistee Wariye gaaboow oo ka tirsanaa shaqaalaha kalsantv ee magaalada Muqdisho ayaa  11 bishan December ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu ku wajahnaa hoygiisa oo ku yaala dagmada wadajir ee gobalka Banaadir .

Marxuum Maxamed Ibraahim Gaaboow ayaa kamid ahaa war tabiyaasha TV-ga xaruntiisa muqdisho, waxa uu ahaa shaqsi wax qabad badan si wanaagsanna ula macaamila bulshada, waxaana uu ahaa aqoonyahan shahaadad heerka 2-aad ee jaamacadda ku soo diyaariyay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Tan iyo markii wariyaha lagu dilay magaalada muqdisho majirin wax war ah oo ka soobaxay laamaha amniga dowladda federalka soomaaliya oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan cidii ka dambeesay falkii naxdinta lahaa ee lagula kacay Marxuum Maxamed Ibraahim Gaaboow Marka laga reebo in dilkiisa la cambaareeyay.

Dalka soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu qatarta badan dunida oo wariyeyaal ay ka howlgalaan sida ay sheegeen guddiga iaalinta saxafiyiinta ee (CPJ), ugu yaraan 28 wariye ayaa lagu dilay soomaaliya tan iyo sandii 2005-tii.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)