Ciidamada difaa dalka Kenya ee loo yaqaano KDF-ta ayaa waxa ay sheegeen in ay dilen shank amid ah dagaalyahani xarakada al shabaab ee weerarka ku qaaday labo maalin ka hor xarumo booliska Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ijara ee dalka Kenya.

Waxaana sidoo kale ciidamada kenya  in intii uu socday howlgalkan ay dhaawaceen  tiro kamid ah dagaalyanada al shabab kadib markii ay rasaas is weydaarsadeen,sida uu saraakiil kenyati ah warbaahinta u shegeen

Howlgalan ayaa la tilmaamay in ay fuliyeen ciidamada howlagalka Linda Boni ee Kenya waxaana ay sarkaal u hadlay uu sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsiga ay ku hayaan dagaalyahanada al shabaab ee ka howlgala qeybo ka tirsan dalka Kenya.

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabab ayaa weerar culus ku qaaday 2 Saldhig oo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin magaalada Ijara ee dalkaasi Kenya.

Waxaana Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen qaar ka mid ah Xafiisyada Saldhigyadaasi iyo xarunta shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom, iyagoo horay u sii ka xeystay 2 gaari oo ah nuuca Gaari Land Cruiser-ka.

Xarakada Al Shabab ayaa had iyo jeer weeraro gaadma ah ku qaada Fariisimaha Ciidamada Kenya ay ku leeyiihiin gudaha dalkaasi.