Home WARARKA CAALAMKA Mareykanka oo Ka Shaqeynaya Heshiis iyo Xabadjoojin Ka Hirgasha Marinka Gaza

Mareykanka oo Ka Shaqeynaya Heshiis iyo Xabadjoojin Ka Hirgasha Marinka Gaza

383
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa talaadada sheegay in hoggaamiyayaasha Xamaas ay ka soo jawaabeen hindisaha sii daynta la haystayaasha, kaasoo hakin doona dagaalka ka socda marinka MarinkaGaza.

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu dersayo jawaabta ay ka bixinayaan arrintan, isla markaana ay kala hadli doonaan Israa’iil maalinta Arbacada ah, sidii loo bilaabi lahaa waanwaan lagu joojinayo dagaalka khasaaraha badan geystay ee ee Gaza ka socda dhinacyada kasoo gaareen khasaaraha kale duwan.

Intii uu socday shir saxaafadeed ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, Xoghaye Blinken ayaa u sheegay warbaahinta in jawaabta Xamaas ee hindisaha sii daynta la haystayaasha lala wadaagay Israa’iil, kuwaas oo dadkooda la midoobi doona muddo bilo ah kadib.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden oo ku sugan magaalada Washington ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in jawaabta Xamaas ay tahay “mid xoogaa saayid ahi uu la socdo”, hase ahaatee la sii wadi doono wada-xaajoodyada.

Xoghayaha ayaa wadahadalo la yeeshay hoggaamiyayaasha Qatar iyo Masar, xilli ay socdaan dedaalo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Gaza, isla markaana ay tahay in kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza.

Dagaalka magaalada Gaza ayaa geystay khasaare xooggan oo naf iyo maal isugu jira Falatiiniyiinta haku badnaadaaye, 28,000 oo caruur haween iyo dad kale isugu jiro ayaa dhintay, waxaana arrintaan ay kusoo aadaysaa xilli la baadigoobayo xabadjoojin ka hirgasha marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here