MD Muuse Biixi oo Heegan Buuxa Galiyay Ciidamada Somaaliland +Sawirro

Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer isugu jira wacyigelin iyo kormeer ku tegay taliska guud ee ciidanka Somaliland iyo xerada ciidanka ee Birjeed, isaga oo sidoo kale dhammaanba ciidamada kala duwan ee qalabka sidana geliyey heegan buuxa, xaaladda kasoo korodhay xanuunka CORONA VIRUS oo ah masiibo cusub oo dunida kusoo korodhay.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka Somaliand, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, qaar kamid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidanka iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa booqashadiisa ka bilaabay taliska guud ee ciidanka oo ay heegan ku ahaayeen Abbaan duulaha, sakaariiskha kala duwan iyo taliyayayaasha kala duwan ee ciidanka, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad ballaadhan oo uu ciidanka ku hogo-tusaaleeyey waajibaadka ciidan ahaan ka saaran ka hortagga xanuunka saf-marka ah ee CORONA VIRUS iyo ka hortagga haddii uu dalka soo galo.

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu ciidanka uga mahadnaqay hawsha ballaadhan ee ay hayaan, isaga oo caddeeyey inaanu xanuunkaasi weli soo gaadhin Somaliland, balse haddii la arko ay ciidamadu yihiin cududda kaliya ee dhibaatadaas samato-bixinteeda ka qayb qaadan kara.

“Qarankiinnu wuu idin og yahay, maantana shirkiinna aannu kasoo qayb galnay, waxannu ugu nimi inaannu idinkala hadalno laba qodob. Shalay waad dhegaysateen oo ummaddaanu la hadalnay, waxa ka jira maanta waad og tihiin iyo xanuunka adduunka oo dhan ka khal-khaliyey, Somaliland Ilaahay mahaddii ilaa saaka weynu nabad qabnaa, laakiin feejignaan weyn, dedaal weyn iyo diyaargarow weyn ayeynu u baahannahay, maanta dal waliba waxa uu kaga bixi karaa masiibadaas, ama uu ku yarayn karaa ama kaga hortegi karaa awoodda ciidamadiisa, waana maalintii ciidamo loo baahnaa nooc ay yihiinba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxa uu ciidanka xusuusiyey waajibaadka ka saaran marka ay xaaladaha noocan oo kale ahi yimaaddaan, isaga oo sidoo kale uga warramay ujeeddada uu ugu yimi,

“Maanta intuu dalku leeyahay cudud maamuli karta dalka xuduudihiisa iyo gudihiisaba ayey ku sinnaanaysaa badbaadadiisu si ay u yaraato dhibaatada uu xanuunkaasi leeyahay haddii uu ina soo gaadho, markaa waxannu si gaar ah idiinku nimi inaannu idinka wacyigelinno halka ay wax marayaan, hawsha inoo taalla iyo nin kasta oo ciidan ah iyo gabadh kasta oo ciidan ah iyo qof kasta oo xilkas ah hawsha u taalla.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.

“Maanta waxa aynnu ka hortegaynaa masiibo adduunka oo dhan gaadhay oo aynaan garanayn meel ay kaaga imanayso oo aan dawo lahayn oo meel kaaga soo socoto iyo si ay u imanayso aan la garanayn oo loo baahan yahay inaynu iska maarayno, sidaas darteed farriinta aan ciidanka ugu imi waa in heegan buuxa la galo, xilkii hore ee aad hayseen ee qaran ee dalka difaaciisa ahaa ee awalba aad idinku u taagnaydeen, tanna way inagu soo korodhay.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu faray ciidamada kala duwan inay xeryahooda iyo goobaha shaqada ku sugnaadaan oo ay yareeyaan tegitaanka suuqyada iyo goobaha kale ee aan muhiimka u ahayn shaqadooda iyo danahoodaba.